Shacabka Magaalada Kunduz oo aas u sameeyay 30 qof oo rayid ah oo duqeyn lagu dilay

Shacab tiro badan ayaa shalay isugu soo baxay Magaalada Kunduz ee wadanka afhanistan si ay aas qaran ugu sameeyan ugu yaraan 30 qof oo lagu dilay duqeyma xaga cirka oo ka dhacday waqooyiga dalkaasi.

Duqeyntan oo dhacday khamiisti aynu soo dhafnay ayaa waxaa fuliyay diyaarada dagaalka ee isbahaysiga NATO iyagoo sida la sheegay bartilmaamedsanayay hogaamiyaal katirsan kooxda Taliban.

Saraakiisha laamaha amanaka ee Afganistan oo arrintaan xaqiijiyay ayaa sheegay in tiro kale oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen weeraradaan ay fuliyeen gaashaan buurka uu hogaamiyo Mareykanka oo ka dhacay waqooyiga dalka Afhanistan.

Dadkan isugu soo baxay ayaa la sheegay in ay si aad ah oga caresnaayeen duqeynta rayidka lagu laayay oo soo noqnoqotay.

Sida ay shaacisay qarama midobay duqeymaha laga fuliyo dalka afghanistan ayaa dadka u badan oo ku dhinta waxay yihiin shacab u badan caruur iyo haween.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *