Dacwad oogayaasha kuuriyada koonfureed oo  soo saaray warqadihi lagu  soo xiri lahaa  laba qof oo horay madaxweynaha ula shaqeyn jiray

Dacwad oogayaasha  kuuriyada koonfureed ayaa jaray warqadihii lagu soo xiri lahaa laba qof oo horay ula shaqeyn jiray  haweneyda dalkaasi hogaamiso ee lagu magacaabo  Park Geun-hye .

Talaabadan ayaa qeyb ka ah  baaritaanada ka dhan ah musuqmaasuqa ka dhex jiro waaxyaha dowlada.

Ahn Jong-beoman  oo ahaa xoghaya sare oo madaxwene  park u qaabilsanaa dhan xeerarka  iyo  xoghayaheeda  gaarka ah  Jung Ho-sung,  ayaa la doonaya in wax laga weydiiyo  eedeymah ku saabsan  musuqmaasuqa iyo isticmaalka qaldan ee awooda madaxweynanimo.

Madaxweyne Park  ayaa dhakeeda  ku gacanseyray baaqyada ku aadan in uu  musuqmaasuq  awgiis ay xilka isaga casisho.

Kumaan kun oo ka mid ah shacabka  kuuriyada koonfureed ayaa wadooyinka   caasimada Seoul

isugu soo  baaxy iyaga oo dalbanaya  in hogaamiyadan ay xafiiska baneyso.

Mucaradka  oo dhankoodu maalintii jimcada raali gelin ay  ms Park  bixisay ku tilmaamay mid anan daacadnimo ku saleysneyn ayaa ku baaqaya in ay is casisho.

Ugu dambeyntina haweneydan   ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay oo dumar ah oo qabato xilka madaxwenanimo ee koonfurta kuuriya  kadib markii doorashada guud ay ku guuleysatay sanadii 2012-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *