Nin u dhashay Mareykanka oo  qirtay in uu todobo qof  ku dilay  Koonfurta  gobolka Carolina

 

Todd Kohlhepp  oo ah nin u dhashay mareykanka ayaa  gacanta lagu dhigay kadib markii  la  arkay haweeney silsilad lagu xiray oo ku sugneyd gurigiisa.

Ninkan ayaa    dhanka  kale qirtay dil u u geeystay 7 qof.

Guriga ninkan gacanta lagu dhigay oo ay ku sugneyd haweneyda silsilada lagu xiray aya ku yaalo koonfura gobolka Carolina ee Mareykanka.

Ciidamada booliska ayuu ninkan u sheegay in uu leeyahay masuuliyada Kohlhepp  4 qof oo la dilay sanadii 2003-dii.

Dhanka kale wuxuu laamaha amaanka tusay  qabuurta laba qof oo kale  kuwaas oo lagu aasay banaanka   gurigiisa.

Qirashada ninkan ayaa ku soo begmeysa kadib markii maalintii jimcada  meyd kale  la helay.

Ninkan oo  45 jir ah ayaa la xiray khamiistii kadib markii haweeneyda  silsilada  lagu xiray ee  gurigiisa lagu arkay la raadinayay tan iyo bishii sideedad ee sanadkan.

Ciidamada booliska ayaa dhankoodu sheegay in ay  ogadeen in meesha qof dumar ah uu ku jiro  kadib markii ay qeylo iyo dhawaq maqleen.

Haweneydan ayaa booliska u sheegtay  in  Kohlhepp   oo ah ninka gacanta lagu dhigay uu toogtay  halkaasna ku dilay saaxibkeed

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *