Dowladda Philibine oo ka baxday heshiis ay hub uga gadan rabtay Mareykanka

Madaxweynaha dalka Philibine Rodrigo Duterte ayaa amar ku bixiyay maanta in la kansalo ama laga noqdo heshiis uu qorshihiisa ahaa in waddankaasi uu qoryaha gacanta lagu qaato ee ay booliska isticmaalaan uga iibsado dalka Mareykanka.

Go’aankaan kasoo baxay dowladda Philibine ayaa yimid xili bishii lasoo dhaafay xubno ka tirsan aqalka Senete-ka Mareykanka ay sheegeen in hakad la galiyay hirgalinta heshiiskaasi maadaama ay xukuumadda Washington ka walaacsantahay xad gudubyada bani’aadanimo ee hadda ka jira Philibine.

Madaxweyne Duterte ayaa sheegay in iyaga aysan dan ugu jirin in ay kusii adkeystaan soo iibsashada qoryahaasi oo ay markii horeba u arkayeen kuwo ku kacaya qiime aad u sareeya.

Mudooyinkaan waxaa soo xumaanayay xiriirkii diplomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Philibine oo mar ahaan jiray 2 waddan oo si aad ah isugu dhowaa.

Dhawaan ayey ahayd nmarkii uu madaxweynaha Philibine Rodrigo Dutterte ku dhawaaqay in uu wadankiisa si buuxda xiriirka ugu jaray Mareykanka, taas badalkeedana uu gacan saar la yeeshay Shiinaha.

Mr Dutterte ayaa si qalafsan uga jabaayay cambaareynta ay Washington u jeedisay habka loo wajahayo dagaalka ka dhanka ah maandooriyeyaasha oo ay ciidamada Philibine tan iyo bishii May ee sanadkaan ku dileen in ka badan 2,300 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *