FBI-da oo wax dambi ah ku weysay Hilary Clinton

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo FBI-da ayaa shaaca ka qaaday in ay soo af jartay baaritaannadii ay ku heysay eedeymaha la xiriira fadeexadda dhinaca Internetka ee ka dhanka ah haweeneyda musharaxa xilka madaxweynaha ee doorashada Mareykanka Hillary Clinton.

Masuuliyiinta hay’addaan ayaa ku dhawaaqay in wax dambi ah lagu waayay Mrs Clinton oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga.

Agaasimaha FBI-da James Comey ayaa aqalka Congresska Mareykanka u sheegay maanta in dib u eegistii lagu sameynayay fariimaha Email-llada ay kusoo idlaatay si wanaagsan, wax dhibaato ahna aan lagu arkin.

Mr Comey ayaa xaqiijiyay in musharaxa xilka madaxweynaha ee Hillary Clinton aysan wajaheynin wax dacwad ah oo maxkamadeed, maadaama dambi lagu waayay.

Arrintaan ayaa guul weyn u ah Hillary Clinton oo hadda isku diyaarineysa doorashada Mareykanka oo la filayo in ay dhacdo maalinta bari ee talaadada ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *