Madaxtooyada Kenya oo dhaliil u jeedisay warbaahinta

Aqalka madaxtooyada ee dalka ayaa shalay ku eedeeyay warbaahinta iyo garabka mucaaradka  in ay si khaldan shacabka ugu fasiraan ajandeyaasha wax qabadka ee madaxweyne Uhuru Kenyatta uu u dalka u hayo.

Af hayeenka madaxtooyada Manoah Esipisu oo jeedinayay war bixinta isbuuclaha ah ee madaxtooyada ayaa sheegay in dowladda ay aad uga walaacsantahay sida saxaafadda loogu adeegsaday marin habaabinta dadweynaha.

Mr Esipisu ayaa si kulul warbaahinta ugu dhaliilay in ay badalaan wararka ku saleysan xaqiiqda isla markaana ay ka dhigaan qaab aad u qallafsan.

Ajandeyaasha madaxweynaha ayuu ku sheegay kuwo sii socda oo mar kastana ku saleysan maalgalinta dadka Kenyanka ah iyo in uu dalka ka fuliyo mashaariic fara badan oo dhanka horumarinta ah.

Af hayeenka madaxtooyada ayaa intaas ku daray in xisbiga talada haya ee Jubilee uu qaab farsamada casriga ah warbixinnadiisa ugu gudbin doono ardayda Schoollada iyo dadka Kenyanka ah eek u sugan guryohooda.

Horay ayuu dhowr jeer madaxweyne Uhuru Kenyatta qudhiisa dhaliil noocaan ah ugu jeediyay warfaafinta Kenya, kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay dhinac u janjeeraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *