Qaramada Midoobay oo baareysa duqeyn uu Mareyknka ku dilay shacab

Masuuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno la xiriira dhacdadii duqeynta ahayd ee ay dhawaan diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen waqooyiga dalka Afganistan, taasoo lagu dilay in ka badan 30 qof oo rayid ah.

Weerarkaasi ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo ka dhacay magaalada Kunduz ayaa lagu bartilmaameedsanayay xoogaga kooxda Taliban.

Milatariga Mareykanka ayaa tallaabadaasi ku taageerayay ciidamada dowladda Afganistan oo dagaal kula jira koopxda Taliban ee weerarada is daba jooga ah ka fulisa Kunduz iyo nawaaxigeeda.

Maalintii Sabtida ayey ahayd markii ay dowladda Mareykanka qirtay in duqeyntii Kunduz ay sababtay qasaare soo gaaray dad shacab ah, waxaana ay ballan qaaday in baaritaanno la sameyn doono.

General John Nicholson oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka eek u sugan Afganistan ayaa sheegay in ay si aad ah uga qoomameysanyihiin waxyeellada loo geystay dadka aan waxba galabsanin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *