Ardayda dugsiyada sare oo maalintii 2-aad u fadhiya imtixaanka kama dambeysta ah

Waxaa maalintii 2-aad la guda galay imtixaanka KCSE ee ay sameynaytaan ardayda ka baxeysa fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee guud ahaan dalka.

Maadada ugu horeysa ee ay maanta oo talaado ah ardayda imtixaanka u fadhisa sameynayaan ayaa ah qeyb ka mid ah maadada luqadda Ingiriiska.

Amaanka goobaha lagu galayo imtixaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ay wakiillada ka socda wasaaradda wax barashada dadaal ugu jiraan sidii looga hor tagi lahaa in qish lagu sameeyo imtixaanka qaran ee shahaadiga ah.

Shalay ayey masuuliyiinta dowladda gacanta ku dhigeen maamule School iyo askari ka tirsan booliska oo lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen wax is daba marin lagu sameynayay imtixaanka.

Kiiskaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay dowladda shaacisay ayaa laga soo tabiyay School ku yaalla maamul goboleedka Nyeri.

Xog hayaha joogtada ah ee wasaaradda wax barshada Belio Kibseng ayaa sheegay in ay si adag ula tacaali doonaan cid kasta oo lagu helo dambi ah in ay carqaladeynayaan imtixaanka KCSE.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *