Hogaamiyeyaasha mucaaradka oo cambaareeyay waxyeelladii loo geystay madaxa maamul goboleedka Bomet

Raila-Odinga

Qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha garabka mucaaradka iyo xubnaha u dooda xuquuqda dadka kale ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii maalintii axada ahayd waxyeello dhaawac ah loogu geystay madaxa maamul goboleedka Bomet Isaac Ruto.

Mr Ruto ayaa waxaa haleelay suntan dadka ka ilmeysiisa oo ay booliska u adeegsanayeen goob ay rabshado ka socdeen oo uu isaga ku sugnaa.

Raila Odinga oo ka mid ah hogaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD ayaa ciidamada amaanka ku eedeeyay falkaasi oo uu ku tilmaamay mid laga xumaado.

Isaac Ruto oo uu dhaawac kasoo gaaray wajiga ayaa diyaarad looga soo qaaday magaalada Bomet, isagoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada tan Nairobi.

Mar uu ka war bixinayay dhacdadaasi ayuu Isaac Ruto ku adkeystay in uu waxyeelladaas si ula kac ah ugu geystay asklari ka tirsan booliska oo ku sugnaa garoonka kubadda lagu ciyaaro ee ay rabshadda ka dhacday.

Hase ahaatee booliska ayaa dhankooda sheegay in masuulkaasi uu ku dhacay dhagax ay tureen dhalinyarii uu isku dhaca dhex maray iyaga iyo ciidamada amaanka.

Si kastaba, waxaa socda baaritaanno ku aadan dhacdadaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *