
Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca caafimaadka aduunka ee WHO ayaa shaaca ka qaaday in dad ay tiradooda gaareyso 7,000 oo ruux ay ku dhinteen dagaallada sokeeye ee ka socda dalka Yemen, halka 36,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale, 2,200 oo kiisaska cudurka daacuunka ayaa laga soo tabiyay Yemen intii ay dagaalladaasi ka socdeen 20-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Ismaaciil Ould Sheikh ayaa sheegay in dad ka badan 21 million oo ruux oo ku sugan Yemen ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah.
Yemen ayaa waxaa tan iyo horaantii sanadkii 2015-ki isku haya xoogaga Xuutiyiinta iyo dowladda beesha caalamka aqoonsantahay ee Yemen oo taageero dhinaca Milatariga ah ka heleysa isbahaysiga carabta ee uu hogaamiyo Sacuudiga.