Shacabka Mareykanka oo maanta dooranaya madaxweyne cusub

Dadweynaha dalka Mareykanka ayaa la filayaa in ay maanta u dareeraan goobaha cod bixinta ee guud ahaan gobollada dalkaasi, si ay usoo xushaan madaxweynaha cusub ee hogaamin doona.

Goobaha cod bixinta ayaa si rasmi ah albaabada loogu furi doonaa qiyaastii 4 saacadood kadib, markaasoo ku aadan waqtiga uu waaga u baryayo dalka Mareykanka.

Dadka isku diiwaan galiyay  cod bixinta ayaa kala doortan doona Hillary Clinton oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga iyo Donald Trump oo isagana ka socda xisbiga Jamhuuriga.

Trum iyo Clinton ayaa shalay so oaf jaray ololihii doorashada ee ay in muddo ah ku guda jireen, waxaana ay hadda ka dhur sugu doonaan natiijada kasoo baxda loollanka adage e u dhexeeya.

Midkii labadooda ku guuleysta doorashada ayaa noqon doona madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka soo mara, waxaana uu badali doonaa Barack Obama oo 8-di sano ee lasoo dhaafay ahaa madaxweynaha dalka Mareykanka.

Guud ahaan indhaha caalamka ayaa maanta ku sii jeeda doorashada Mareykanka oo saameyn ku leh caalamka oo dhan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *