Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo doonaya in doorashada dib loo dhigo

Mudaneyaal ka tirsan aqalka baarlamaanka ee dalka ayaa ka wada hadlaya suurta galnimada in dib loo dhigo waqtiga ay ku asteysantahay doorashada guud ee dalka.

Xildhibaannada ayaa arrintaan isla soo qaaday kadib markii isbadalka lagu sameeyay xeerka doorashada uu sababay in gudiga doorashada ay ku adkaato in ay doorashada ku began waqtigii horay loogu qorhseeyay.

Doorashada xigta ee dalka ayaa hadda ku mudeysan 8-da bisha August ee sanadka 2017-ka, mana jirin wax dib u dhac ah oo ilaa iyo hadda la rajeynayay.

Hase ahaatee shalay oo isniin ahayd ayey soo baxeen warar sheegayay in xitaa uu jiro Mooshin lagu doonayo dib u dhigista waqtiga doorashada oo ay wadaan qaar ka mid ah mudaneyaasha.

Mooshinkaan oo la sheegay in uu soo diyaariyay xildhibaan laga soo doortay Mandera ayaa lagu wadaa in dhawaan la hor geeyo aqalka, si ay xubnaha yga doodaan.

Arrintaan oo aad xasaasi u ah ayaan la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonaan xisbiyada dowladda iyo Mucaaradka, kuwaasoo midba midka kale uu ku eedeeyo carqaladeynta waqtiga doorashada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *