Xisaabiyeyaal cusub oo loo diray wasaaradda caafimaadka

Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa magacowday koox cusub oo xisaabiyeyaal caalami ah, kuwaasoo mar kale xisaabin doona dhaqaalaha ku baxay wasaaradda caafimaadka ee lagu eedeeyay fadeexadda musuqmaasuqa ah.

Kooxdaan oo ka kooban 3 xisaabiye ayaa soo diyaarin doona war bixin ku saabsan sheegashada ku aadan in lacag dhan 5.3 billion oo shilin laga lunsaday wasaaradda caafimaadka ee uu hogaamiyo Dr Cliopa Mailu.

Mudooyinkaanba waxaa isasoo tarayay eedeymaha loo jeedinayay dowladda ee dhinaca musuqmaasuqa, iyadoo wasaaradda caafimaadkana ay si weyn u beenisay arrintaasi.

Haweney la dhalatay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo nin kale oo ina adeerkiis ah ayaa ka mid ah dadka shirkadaha ay leeyihiin lagu tuhunsanyahay in ay si sharci darro ah ugu maqanyihiin lacago malaayiin shilin ah.

Dhinaca kale wasiirka caafimaadka Cliopa Mailu ayaa wajahaya xildhibaannada aqalka baarlamaanka oo u yeeray si ay su’aalo u weydiiyaan.

Aqalka Senete-ka ayaa sidoo kale ka mid ah hay’adaha baaritaannada ku haya arrintaan oo abuurtay hadal heyn baaxad leh oo dadka Kenyanka ah ay il gaar ah ku hayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *