Donald Trump oo loo doortay madaxweynaha cusub ee Mareykanka

Waxaa barqanimadii maanta lasoo gaba gabeeyay tirinta codadka laga dhiibtay doorashadii shalay ka dhacday dalka Mareykanka oo ay xilka madaxweynaha ugu loolamayeen musharaxiin ay ugu cad cadaayeen Donald Trump oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo Hillary Clinton oo ka socotay xisbiga Dimuqraadiga.

Dnald Trump ayaa loo doortay madaxweynaha xiga ee waddanka Mareykanka, kadib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay codadkii laga dhiibtay doorashada.

Mr Trump ayaa helay 48% ka mid ah codadka halka Hillary Clinton oo kusoo xigtay ay heshay 47%.

Musharaxiinta kale ee tartanka ku jirtay ayaa waxaa ka mid ahaa Gary Johnson oo ka socday xisbiga Libertarian Party oo isagu helay 3% iyo Jill Stein oo ka socotay xisbiga Green Party, taasoo iyadana heshay 1% ka mid ah codadkii laga dhiibtay doorashada ka dhacday dhammaan gobollada Mareykanka.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa markii guushiisa lagu dhawaaqay waxa uu taageerayaashiisa kula hadlay magaalada New York, isagoo u muujiyay farxadda uu dareemayay.

Waxa uu uga mahad celiyay taarada ay siiyeen, wuxuuna sidoo kale sheegay in ay taleefanka kula soo xiriirtay Hillary Clinton ayna ugu hambalyeysay guushiisa, isagana uu ku bogaadiyay dagaalka adage e ay sameysay.

Donald Trump oo noqonaya madaxweynihii 45-aad ee dalka Mareykanka soo mara ayaa ugu baqay dadka Mareykanka in ay midoobaan.

Bisha January ee sanadka soo socda ayuu Trump xilka madaxweynaha kala wareegi doonaa Barack Obama, waxaana uu jagadaan heyn doonaa mudada 4-ta sano ah ee soo socota.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *