Waa kuma Donald Trump

Donald John Trump, madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, waxa uu dhashay 14-ki bishii June ee sanadkii 1946-di, wuxuuna ku dhashay deegaanka Queens  ee ka tirsan magaalada New York oo ah caasimadda 2-aad ee Mareykanka.

Wuxuu ahaa cunugii 4-aad ee 5 carruur ah oo ay dhaleen Frederick C. Trump iyo xaaskiisa Mary MacLeod Trump.

Donald Trump waxa uu yaraantiisi ahaa nin kusoo dhex koray qoys maalqabeen ah, maadaama aabihiis Frederick Trump uu ka mid ahaa ganacsatada reer New York.

Ilaa yaraantiisi wuxuu ahaa qof aad u fir fircoon oo sameeya dhaqdhaqaaqyo badan, taasoo sababtay in waalidiintiisa ay tababarka ciidamada Milatariga u diraan isagoo ay da’diisa tahay 13 sano jir, iyagoo markaas rajeynayay in fir fircoonidiisi uu lasoo baxay xiliga Schoolka ay noqoto mid ku saleysan dhanka wax qabadka qaranka.

Donald Trump wuxuu si wanaagsan u dhameystay wax barashadiisi maadiga iyo Milatarigaba, wuxuuna qalin jabiyay sanadkii 1964-ti.

Kadib waxa uu billaabay wax barashadiisa heerka jaamacadeed, isagoo isku maray dhowr jaamacadood oo ku yaalla dalka Mareykanka.

Sanadkii 1968-di ayuu ka qalin jabiyay jaamacdda Pennsylvania, isagoo ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha.

Xiligaas wixii ka dmabeeyayna wuxuu u soo jeestay dhinaca ganacsiga, isagoo aabihiisna ka dhaxlay shirkado ganacsi oo waaweyn.

Sanadkii 1971-di ayuu si rasmi ah ula wareegay maamulka shirkadii uu laha aaabihiis ee Trump Organization, taasoo uu ilaa iyo hadda ka yahay madaxweyne.

Maal qabeenkaan siyaasiga noqday oo aan si wanaagsan ugu xeel dheereyn arrimaha siyaasadda waxa uu hadda heystaa aduun lacageed oo gaaraya 3.7 billion oo dollar.

Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2015-ki ayuu ku dhawaaqay in uu yahay musharax xilka madaxweynaha ugu tartami doona xisbiga Jamhuuriga.

Tan iyo waqtigaasna wuxuu olole weyn u galay sidii uu uga soo bixi lahaa xisbigiisa dhexdiisa iyo waliga in uu guul kasoo hoyiyo xisbiga loollanka adag kula jiray ee Dimuqraadiga.

Waxa uu hadda noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo heysta aqlabiyadda labada aqal ee Congresska iyo Senete-ka, fursaddaas oo aan madaxweyne Mareykan ah soo marin tan iyo sanadkii 1928-di.

Kadib marka loo dhaariyo xilkaan waxa uu shaqadiisa madaxweynenimo aqalka cad ee magaalada Washington ka billaabi doonaa 20-ka bisha January ee sanadka soo socda ee 2017-ka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *