War bixin ku saabsan xisaabaadka wasaaradda caafimaadka oo la filayo in ay soo baxdo

Isbuuca soo socda ayaa lagu wadaa in ay soo baxdo war bixin rasmi ah oo ku aadan natiijada baaritaanno dhinaca xisaabaadka ah oo lagu sameynayo dhaqaalaha wasaaradda caafimaadka.

Wasiirka caafimaadka Dr Cliopa Mailu oo shalay kasoo hor muuqday gudiga xisaabaadka ee aqalka Senete-ka ayaa su’aalo laga weydiiyay arrimaha ku saabsan eedeynta fadeexadda ee lasoo gudboonaatay wasaaraddiisa.

Dr Mailu ayaa ku adkeystay mowqifkiisii hore ee ahaa in aysan waxba ka jirin eedeymaha tilmaamayay in lacag dhan 5.3 billion oo shilin laga lunsaday waaxda qaran ee caafimaadka.

Dhanka kale wasiirka ayaa qiray in ay aad u xanuun badneyd go’aankii uu ku qaatay in hay’adaha deeqda bixiya qaarkood dib loogu celiyay lacag dhan 160 million oo shilin, si carruurta looga badbaadiyo in ay waayaan tallaalka aasaasiga ah.

Wasiirka ayaa codsaday in la muujiyo dulqaad, inta ay kasoo baxayaan natiijooyinka kama dambeysta ah ee hadda si ku celis ah loo sameynayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *