1 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay xadka kala qeybiya Kisumu iyo Kericho

Wararka naga soo gaaraya galbeedka dalka ayaa sheegaya in 1 qof uu ku geeriyooday weerar la xiriiray dhaca xoolaha oo ka dhacay xadka kala qeybiya maamul goboleedyada Kisumu iyo Kericho.

Weerarkaasi oo loo adeeysaday waramo ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 2 ruux oo xoolo dhaqato ah.

Maxamed Macalin oo ah gudoomiyaha amniga Kisumu u qaabilsan dowladda dhexe ayaa sheegay in maalintii talaadada ahayd ay dadka deegaanka arkeen burcadda xoolaha dhaceysay, kadibna ay ku war galiyeen laamaha amaanka.

Chief-ka deegaankaasi iyo kooxdiisa dhinaca amniga ayaa isku dayay in ay ka hor tagaan falkaasi, in kastoo aysan ku guuleysanin.

Qofka la dilay iyo dadka dhaawacmay ayaa xiligaas baacsanayay burcadda xoolaha dhacday oo ay u suurta gashay in ay la baxsadaan 3 neef oo Lo’ ah.

Booliska ayaa hadda wada ugaarsiga ay ku hayaan kooxdaasi oo aan wali heybtooda la aqoonsanin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *