Hogaamiyeyaasha Kenya oo loogu baaqay in ay cashir ka bartaan doorashada Mareykanka

Danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Kenya Rober Godec ayaa ku boorriyay siyaasiyiinta Kenya in ay cashar ama 2 cashar ka qaataan hannaanka ay u dhacdo doorashada waddankiisa iyo sida ay hogaamiyeyaasha u aqbalaan natiijo kasta.
Mr Godec ayaa tusaale usoo qaatay sida ay shalay xisbiga Dimuqraadiga u qaateen guul darradii aadka u kharaareyd ee lama filaanka ahayn ee mar qura kasoo baxday natiijada doorashada.
Safiirka Mareykanka ayaa ka codsaday shacabka iyo hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee Kenya in ay tallaabadasi oo kale qaadaan marka la gaaro waqtoga doorashada guud ee Kenya oo ku beegan bisha 8-aad ee sanadka soo socda.
Hadalka Godec ayaa u muuqda mid uu uga walaacsanyahay sida ay siyaasiyiinta Kenya ee iska soo hor jeeda u wajihi doonaan Natiijada doorashada 2017-ka.
Sanadkii 2007-di ayaa Kenya lagu xasuustaa in uu qalalaase ka dhacay markii lagu murmay natiijadii doorashada, iyadoo xiligaas ay ku dhinteen in ka badan 1000 qof, halka dad kor u dhaafaya Nus Malyan qofna ay ku bara kaceen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *