Madaxweynaha Koonfur Africa oo mar kale wajahaya Mooshin ka dhan ah

Madaxweynaha waddanka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa mar kale wajahaya mooshin kalsoonida loogala noqonayo oo maanta loo gudbiyay aqalka baarlamaanka ee dalkaasi.

Zuma ayaa loo jeediyay eedeymo hor leh oo ku saabsan fadeexad dhinaca musuqmaasuqa ah oo la xiriirta maamulkiisa.

Arrintaan ayaa waxaa si weyn uga carooday xisbiga talada haya ee uu ka tirsanyahay Zuma.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa dhowr jeer oo hore la kulmay caqabado soo wajahay oo salka ku hayay mooshinno ka dhan ah oo baarlamanaka Koonfur Africa loo gudbiyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *