Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo u goodiyay siyaasiyiinta shacabka kiciya

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa digniin culus u jeediyay siyaasiyiinta caadeystay in ay khudbadaha nacaybka abuuraya u jeediyaan shacabka, kuwaasoo uu ugu hanjabay in ay ciqaab adag la kulmi doonaan.

Kenyatta ayaa sheegay in siyaasi kasta, ha ahaado mid ka tirsan xisbiga talada haya ama xisbiga mucaaradka ee sharciga jabiya isla markaana jeediya hadallo kicinaya shacabka uu wajihi doono tallo adag.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan loo baahneyn dhaqdhaqaaqyo iska hor keenaya dadweynaha xili uu dalka kusii dhawaanayo waqtiga doorashada guud.

Hadalkaan ayuu Uhuru ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray maanta oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyayidaacadda Star Fm.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *