Maxkamadda ICC-da oo golaha amaanka u dirtay war bixin ku saabsan xaaladda Libya

Dacwad oogaha guud ee maxkamadda dambiyada dagaalka aduunka ee ICC-da Fatou Bensouda ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u dirtay warqad ay ku qortay halka ay mareyso xaaladda waddanka Libya ee ay colaadaha ka aloosanyihiin.

War bixinta kooxda dacwad oogeyaasha ee maxkamadda Hague ayaa lagu sheegay in ay soo hagaageyso xaaladda dambiyada dagaal ee ka jirta Libya.

Bensouda ayaa golaha amaanka u qeexday in ay ku faraxsantahay tallaabadii dalka Libya looga hir galiyay qaraarkii qaramada Midoobay ee soo baxay sanadkii 1970-ki.

Qaraarkaasi oo ku saabsan hagaajinta xaaladaha wadanka Libya ayaa la dhaqan galiyay sanadkii 2011-ki, wixii ka dmabeeyay markii ay bur burtay dowladdii Libya ee uu madaxweynaha ka ahaa Mucamar Qadaafi.

War bixinta ay Fatou Bensouda  u gudbisay Golaha amanaka ayaa ahayd tii 12-aad ee nooceeda ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *