Milatariga India iyo Pakistan oo rasaas is weydaarsaday

Dowladaha India iyo Pakistan ayaa midka midka kale waxa ay ku eedeysay in ay masuul ka tahay is rasaaseyn hor leh oo ay milatariga labada waddan isku weydaarsadeen xadka kala qeybiya dhulka ay kala maamulaan ee gobolka Kashmir.

Taliska Milatariga India ayaa sheegay in ay 2 askari uga dhigteen toogasho ay sheegeen in ay uga timid dhinaca ciidamada Pakistan, kadibna ay aargudasho sameeyeen.

Sidoo kale saraakiisha Pakistan ayaa dhankooda xaqiijiyay in ay ugu yaraan 4 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen rasaas laga soo tuuray dhinaca India, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid meel ka dhac ku ah heshiis xabad joojin ah oo ay labada dal wada gaareen.

Gobolkaasi oo ay ku muransanyihiin labada dale e ku yaalla qaaradda Asia ayaa waxaa horay uga dhacay isku dhacyo sababay qasaare kala duwan oo u dhexeeyay labada dhinac.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *