Weeraradii Brusels iyo Paris oo la sheegay in ay amar ku bixiyeen madaxda sare ee ISIL

War bixin hor leh oo ay soo saareen masuuliyiinta waddanka Belgium ayaa lagu sheegay in weeraradii goor sii horeysay laga fuliyay magaalooyinka Brusels iyo Pasris ay ahaayeen kuwo ay amarkooda bixiyeen hogaamiyeyaasha ugu sareeya ee kooxda isku magacowday khilaafada Islaamka ee ISIL.

Dacwad oogaha federaalka Belgium oo shaaciyay arrintaan ayaa sheegay in lagu ogaaday baaritaanno qota dheer oo la sameynayay in muddo ah.

Dabayaaqadii sanadki lasoo dhaafay ee 2015-ki ayey ahayd markii 130 ruux lagu dilay boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen mowjado weeraro ah oo mar qura ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Paris ee caasimadda u ah waddanka France.

Sidoo kale bishii March ee sanadkaan ayaa weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Brusels ee caasimadda Belgium lagu dilay qiyaastii 30 ruux.

Dhammaan weeraradaasi ayaa waxaa masuuliyadooda sheegatay kooxda Daacish ee fariisimaha ku leh dalal ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Syria.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *