Dowladda oo amar ku bixisay in qasab hubka looga qaado shacabka Laikipia

Saraakiisha sar sare ee laamaha amaanka dowladda ayaa amar ku bixiyay in tallaabo loo qaado sidii hab qasab ah hubka sharci darrada ah looga aruurin lahaa dadka ku dhaqan maamul goboleedka Laikipia.

Howlgalkaasi hub ka dhigista ah ayaa sidoo kale saameyn doona maamul goboleedyada kale ee dariska la ah Laikipia, kuwaasoo ay kusoo bateen falalka amni darrada ah.

Kadib markii shalay oo kham iis ahayd la qabtay shir heer sare ah oo ku saabsanaa amniga ayaa taliyeyaasha ciidamada booliska ee gobolkaasi lagu amray in ay billaabaan howlaha la xiriira hub ka dhigista, maadaama ay bulshooyinka ku sugan gobolkaasi ka biya diideen in ay si iskood ah hubka aan sharciyeysneyn ugu wareejiyaan dowladda.

Kulanka shalay dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay xog hayaha dhinaca amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Amos Gathecha, isku duwaha dhinaca amaanka ee gobolka Rift Valley Wanyama Musiambo iyo saraakiil kale.

Laamaha amaanka ayaa loo fasaxay in ay si adag ula tacaalaan cid walba oo hubkaasi u heysata in ay waxyeello ugu geysato shacabka deegaannada kala duwan.

Dhawaaqa kasoo baxay dowladda ayaa kusoo aaday xili isbuuci lasoo dhaafay ay ugu yaraan 7 ruux ay ku dhinteen isku dhacyo beelaha Samburu iyo Turkana dhex maray oo salka ku dhaca xoolaha nool.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *