Madaxweynaha Koonfur Africa mar kale ka badbaaday in kalsoonida lagala noqdo

Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa si fudud uga badbaaday mooshin kalsooni kala noqosho ah oo cod loogu qaaday baarlamaanka dalkaasi.

Xildhibaannada kasoo jeeda Xisbiga ANC ee uu Zuma hogaamiyo oo aqlabiyad ballaaran ku leh aqalka sharci dajinta ayaa si buuxda ugasoo hor jeestay mooshinka ka dhanka ahaa madaxweynaha.

214 xildhibaan ayaa kasoo hortjeedsatay mooshinka laga keenay madaxweynaha, iyadoo 126 mudane oo ka tirsan mucaaradkana ay ay codkooda ku taageereen mooshinkaasi, halka 59 xildhibaanna ay aqalka maqnaayeen.

Waa markii 3-aad oo muddo 1 sano ka yar gudeheed baarlamaanka Koonfur Africa loo gudbiyo Mooshin lagu damacsanyahay in kalsoonida looga ceshto madaxweyne Zuma oo lagu eedeeyay maamul xumo, cunsuriyad iyo musuqmaasuq, in kastoo 3-ada jeerba uu isku daygaasi dhicisoobay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *