Australia iyo Mareykanka oo shaca ka qaaday heshiis ku saabsan dib u dejinta qaxootiga

Wadanka Australia  aya Mareykanka  la galay heshiis ku aadan dib u dejinta loo sameynayo  qaxootiga  ku jiro  xeryaha  ku yaala Papua New Guinea  iyoNauru  kadib markii ay isku dayeen in ay Australia ku galan doonyo.

Raysul wasaaraha Australia  Malcolm Turnbull  aya heshiiskan ay labada dal gareen  shaaca ka qaaday maanta oo axad ah.

Shuruucda adage e la xiriirta amaanka  ee wadanka Australia ayaa waxaa ka mid ah in qofkii gacanta lagu dhigo  isaga oo dalka ku soo galayo doono la geynayo xerada Papua New Guinea ee jasiirada Manus   iyo   jasiirada  koonurta  kaga beegan badda pacifikada  ee Nauru si halkaasi loogu sii hayo.

1,200  qof ayaa  xabsiyadan lagu hayaa halka ku qaar ay laamaha amaanka  gacanta ku dhigeen 3 sano ka hor.

Qaramada midoobay iyo hay’adaha u ololeeya xuquuqul aadanaha sida Amnesty international ayaa xariga qaxootigan canbareyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *