Colombia oo heshiis cusub la gaartay kooxda FARC

Doladda Colombiya ayaa heshiis hor leh oo nabadeed la gashay kooxda Fallaagada ugu weyn dalkaas ee magaceeda loo soo gaabiyo FARC.

Wakiillo ka kala socda kooxda Mucaaradka ah iyo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Juan Manuel Santos ayaa shalay sabtigii heshiiskaan qalinka ku duugay iyagoo ku sugan waddanka Cuba.

Heshiiskaan ayaa ah mid cusub oo dib u habeyn lagu sameeyay, isagoo qodobadiisa ay ka duwanyihiin heshiiskii ay horay dowladda ula saxiixatay kooxdaasi oo si lama filaan ah ay shacabka ugu gacan seyreen.

Afti kale oo dadweyne ayaa la filayaa in loo qaado hirgalinta heshiiskaan cusub oo u baahan taageerada dadweynaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *