Dhul gariir xoogan oo ku dhuftay New Zealand

Dhul gariir awood weyn leh ayaa ku dhuftay jaziirad ku taalla Dhinaca Koonfureed ee dalka New Zealand.

Hay’adda qaabilsan dhinaca saadaasha hawada ee dalka Mareinaka ee magaceeda loo soo gaabiyo USGS ayaa sheegtay in dhul kariirkaasi oo ay awoodiisa ahayd 7.4 uu dalkaas ku dhuftay saqdii dhexe ee xalay kadib.

Dhul gariirka ayaa dhuftay magaalada Christchurch oo ku taalla Jazeeradda Koonfureed.

Musiibo Sunaami ah oo ka dhalatay dhul gariirka ayaa isla maantaba laga soo tabiyay New Zealand.

Hay’adaha maamreynta musiibooyinka ee dlakaasi ayaa shacabka ku dhaqan dhulka xeebaha ah uga digay in ay waxtyeello kasoo gaarto Sunaamida oo ah fatahaad ay badda sameysay.

Magaalada Christchurch oo ah halka uu ka dhacay dhul gariirkaan ayaa wali kasoo kabsaneysay saameyntii kasoo gaartay dhul gariir kale oo ku dhuftay sanadkii 2011-ki, kaasoo sababay dhimashada 185 ruux.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *