Dowladda oo qoreysa booliska keydka oo dheeraad ah

Laamaha dhinaca amaanka ee Dowladda ayaa billaabay qoritaanka ciidamo booliska keydka ah oo ay tiradooda gaareyso 3,200 oo askari.

Arrintaan ayaa looga gol leeyahay in wax looga qabto dhibaatooyinka dhinaca amni darrada ah ee ka yimaada burcadda hubeysan.

Isku duwaha dhinaca amaanka u qaabilsan dowladda dhexe gobolka Rift Valley Wanyama Musiambo ayaa sheegay hadda la qoray qeybtii ugu horeysay ee ciidankaas oo ay tiradooda gaareyso 200 oo booliska  keydka ah.

Dhawaan ayey ahayd markii amar lagu bixiyay in ciidamada amaanka ay hub ka dhigis qasab ah ku sameeyaan dadka heysta hubka sharci darrada ah eek u dhaqan maamul goboleedyada ku yaalla gobolka Rift Valley.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *