Guddomiyaasha tuulooyinka oo logu baaqay in ay  baraha bulshada  kula tacalaan falal dambiyeedyada

Guddoomiyasha tulooyinka hoos tago deganada kala duwan ee dalka ee loo yaqaano  jiifafka  ayaa loogu baaqay in ay  baraha bulshada ku wada xiriirto u adeegsadaan  xakameynta  falal dambiyeedyada

Joseph Kaguthi, oo ah guddomiyaha  hanaanka loo yaqaano   Nyumba Kumi initiative ayaa yiri waa in jifafaka ay safka hore kaga jiraan  isgaarsiinta loo adeegsado  aaladaha Whatsapp-ka, telegaraamka iyo  barta twitarka  ama  facebook-ga.

Mr  Kaguthi ayaa ka dhawaajiyay in isticmaalka aaladahan ay guddomiyashan u horssedeyso in ay  dad badan la xiriiraan  halka ay helayaan maclumad  fududeyn karo in dambiyada laga hor tago.

Hadalkan ayu  Mr Joseph Kaguthi sheegay isaga oo ku sugan munasabad  tabarbar loogu sameynayay  jiifafka iyo  ku xigeenadooda oo ka dhacday  magaalada Eldoret ee countiga Uasin Gishu.

Ugu dambeyntina  Mr.Kaguthi ayaa carabka ku dhuftay  in  hogamiyasha tuulooyinka aynan si dhow ula xiriirin  shacabka sidaas awgeedna  ay ku adkato in ay la tacalaan falal dambiyeedyada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *