Gudiga  qaran ee  adeega booliska oo  sameeyay laan si gaar ah ula tacaali doonto  musuqmaasuqa

Gudiga qaran ee adeega ciidamada booliska ee loo yaqaano NPSC ayaa aasaastay  laan ka mid ah laamaha  amaanka oo loogu talagalay in ay xabsiga u taxaabto saraakiisha sameeyay falalka musuqmaasuqa.

Qeybtan ayaa ku taalo  xarunta ugu weyn ee ciidamada booliska ee  dhismaha Vigilance House oo ku yaalo magaladatani  Nairobi.

Waxaa qeybtan hogaaminaya mid ka mid ah guddomiyaasha booliska halka  300  oo sarkaal ay ka howlgelayaan.

Sarakiishan ayaa isugu jiro ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da iyo  saraakiisha waaxada dambi baarista ee CID-da.

Xaruntan ayaa la sheegay in ilaa iyo hada  lagu xiray 9 ka tirsan ciidamad wadooyinka ee tarafikada iyo 2 qof oo rayid ah oo lagu eedeynayo  in  qaadashada  iyo bixinta laaluushka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah ciidamada booliska ay doonayaan in taliyaha guud ee booliska Joseph Boinnet uu faahfaahin ka bixiyo  sida magdhow loogu sameynayo ciidamada anan lagu cadeyn in ay laalush qaateen maadama  sida ay hadalka u dhigeen  markii gacanta lagu dhigayo lagu bahdilo shacabka hortiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *