Kenya oo sheegtay in ay garab taagantahay South Sudan

Masuuliyiinta dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in aysan dayici doonin waddanka dariska ah ee South Sudan isla markaana halkiisa laga sii wadi doono dadaalka loogu jiro sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa dalkaasi.

War maanta kasoo baxay aqalka madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay waajib ku tahay kana go’antahay in ay ka shaqeyso nabadeynta Suudaanta Koonfureed.

Af hayeenka madaxtooyada Manoah Esipisu oo shaaciyay bayaan kasoo baxay dowladda ayaa sheegay in tallaabadii loo qaaday soo saarista ciidamada Kenya eek u sugan South Sudan aysan micneheeda ahayd in la iska joojiyay caawinta dalkaasi ugu da’da yar caalamka.

Mr Esipisu ayaa sheegay in Kenya aysan kasii mid ahaan doonin howlgalka nabad ilaalinta Suudaanta Koonfurreed ee ay waddo qaramada Midoobay, hase ahaatee ay dhinacyo kala ka waddo nabadeynta waddankaasi.

Arrintaan ayaa ka dambeysay markii uu khilaaf soo kala dhex galay Kenya iyo Qaramada Midoobay, wixii ka dambeeyay go’aankii uu xog hayaha guud ee QM Ban Kim Moon xilka uga qaaday taliyihii howlgalka Nabad ilaalinta Koonfurta Sudan oo u dhashay Kenya.

100-kii askari ee ugu horeysay ee ka tirsan Ciidamada Kenya oo laga soo saaray South Sudan ayaa isbuucii lasoo dhaafay soo gaaray dalka.

Hase ahaatee go’aanka madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxaa dhaliilay dhinacyo ay ka mid yihiin hogaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *