Ku xigeenkii hore ee Agaasimaha guud ee NYS iyo  guddomiyihii  hore ee gudiga qandarasyada   wasarada dowlad wadaajinta  oo  dacwad lagu soo oogayo

Labo sarkaal sar sare  oo lala xiriirinayo fadeexadii lacagaha looga lunsaday waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS ayaa maalinta arbacada lagu wadaa in maxkamada la hoegeeyo  si loo dhageysto eedeymaha loo soo jeediyay.

Agaasimaha   waaxda dacwad oogista  Keriako Tobiko ayaa amar ku bixiyay in   maxkamada loo gudbiyo dacwad ka dhan  ah Adan Harakhe  oo ah  ku xigeenkii hore  ee agaasimaga guud ee NYS  iyo   Xassan Nuur  Xassan.

Labadan sarkaal ayaa lala xiriirinaya  isdabanarin ku saabsan  arrimaha  soo iibinta  oo lagu bixiyay qandaraska  lagu qeybiyay  qalab loogu talagalay tababarada  oo la sheegay in ay ku baxday lacag dhan  47.6 milyan oo shilin.

Mr Tobiko  oo warqad u qoray gudiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa  ee EACC aya  sheegay  in ay jirto cadeeyn  dhameystiran oo dacwad loogu soo oogi karo  Mr Harakhe  maadama sida warqada ku qoran oo  maamulka si qaldan u adeegsaday.

Qandaraskan ayaa la siiyay  shirkad lagu magcaabo  Blue Star Enterprises.

Dhanka kale  Mr Harakhe ayaa waxaa maxkamada lala hor geyn  doona   xoghayihii hore ee wasaarada dowlad wadajinta Peter Mangiti.

Xoghayahay ayaa loo heysta in uu dhaqangeliyay  qandaraaskan oo uu isla maalintaas  magacaabay  gudi  qiimeyn ku sameeyo.

Mr Harakhe ayaa horay  la sheegay in uu ka marqaati kici doono fadeedaxan maadama baaritaanadii hor dhaca ahaa lagu ogaaday in uu ahaa qofkii ugu horeyay ee shaaca ka qaaday in ay  xatooyo ay jirto.

Warqada uu  4-tii bishan Novembar qoray agaasimaha waaxda dacwad oogista  ayuu  amar ku bixiyay in Mr Harakhe iyo sarakiil kale ay qoraan fariimo hor leh maadamada  ay ka mid yihiin eedeysanyaasha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *