Musharaxdii  xisbiga  dimuqaradiga  ee Mareykanka Hillary Clinton  oo guul daradeeda ku eedeysay  agaasimaha  waaxda FBI

Hillary Clinton   oo ahayd haweneydii  looga guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ayaa guul darada u soo hooyatay ku eedeyasay agaasimaha waaxda sirdoonka ee FBI-da  James Comey.

Haweeneydan ayaa  tiri isticaamka emailyada  oo ay FBI-da  dib u furtay ayaa keentay in  ay hoos u dhacdo tageeradii la ii muujinayay doorashada ka hor.

Mrs Clinton  oo la hadleysay  dad isugu yimid in ay lacag aruurin sameyaan iyo qaar kamid ah deeq bixiyaasha  ayaa xustay in  Mr Comey uu laba warqadood oo ku saabsan fadeexadan  u qoray aqalka kongareeska.

Arrintan ayaa sida ay hadalka u digtay keentay in  tageerauyaashi  ay ku lahayd gobolada gaar  ay u weecdaan  dhinaca   xisbiga jamhuuriga oo uu matalaya Donald Trump oo doorashadan kaga guuleystay.

Mrs Clinton ayaa carabka ku dhufatay in ay jiraan sababo badan oo keenay in aynan guuleysanin  balse  falanqeynteena waxaa   ka soo baxay  in warqadaha  agaasimaha FBI-da ay   tuhun abuureen.

28 –kii  bishii   Okobar   ee sanadkan  ayey ahayd markii Mr Comey uu aqalka kongareeska ku wargeliyay in waaxda FBI-da ay  mar kale baaritaan ku sameyneyso emailada Clinton  la sheegay in ay faafisay xiligii ay ahayd xoghayahay wasarada  arrimaha dibada ee Mareykanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *