Wasiirada arrimaha dibada Amina Maxamad oo  sheegtay  in  ay tahay   shaqsiga  ugu wanagsan ee horumar gaarsiin karo midowga   AU-da

Wasiirada arrimaha dibada iyo  ganacsiga caalamiga ee dalkani Kenya marwo Amina Mohamed ayaa sheegtay in ay tahay  qofka ugu habboon  e midowga Africa u horseedi karo in laga dhex aqoonsado siyaasada caalamiga.

In ka badan 30 sano oo ay  arrimaha caalamiga ah ka dshaqeyneysay ayey wasiirada sheegtay in ay ka dhigtay hogaamiya leh  khibrad xeel dheer  oo la xiriirta  isdhexgalka  iyo midnimada qaarada Afrika.

Waxaqabadkeyga waxaan muujiyay  xiliyadii ugu adkaa oo ay Afrika soo marto ayey hadalkeeda raacisay Amina Maxamad.

Dhanka kale waxay xustay  in ay waaya aragnimadeeda adeegsan doono  si ay  uga shaqeyso  iskaashi  ka dhexeya wadamada qaarada iyo in  sido kale Afrika ay noqoto qaarad laga aqoonsayahay  horumarkeedana  loogaga hadlo  guud ahaan   caalamka.

Sarakiil sar sare oo dowlada ka tirsan oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dalkaWilliam Ruto ayaa wadamo kala duwan safari ku marayo si ay tageero ugu helaan guddomiyanimada Amina maxamad.

Marwada koowad ee wadanka koonfur Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa  hada ah guddoomiyaha  midowga Afrika ee loo soo gaabiyo AU-da.

Bisha Koowad ee sanadka 2017-ka ayaa lafilaya in doorashada xilkan   uu qof kale kula wareegayo la qabto.

Fariinta Kenya ee la xiriira  xilka ugu sareeya  ee midowga Afrika ayaa ah in  wasiirada arrimaha dibada  ee Amina Maxamad  ay gacan ka geysan doonto horumarinta  ganacsiga ka dhexeya wadamada qaarada,. Isdhexgalka, la tacaalida  arrimaha amni darada  iyo Afrika oo  lahaato cod la maqlo lana tixgeliyo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *