Xaaladda degdeg ah  oo  uu dalka Faransiiska  ku jiro oo  ay suurta gal tahay in  la sii kordhiyo

Ra’isal wasaaraha Fransiiska, Manuel Valls, ayaa  sheegay  in ay suurto gal tahay in la  kordhiyo  mudada xaaladda degdegga ah ee  uu  ku iro dalkiisa.

Xaaladan degdega ah ayaa Faransiiska lagu soo rogay ka dib weerradii argagixiso ee  sanadkii hore ka dhacay caasimada  Paris.

Wuxuu raysul wasaaraha intaas ku daray in  mudadan la sii kordhinayo looga gol leeyahay in lagu difaaco dimuqaradiyada dalkaasi.

Hadalkan ayuu  raysul wasaraha ka jeediyay  munasaba lagu maamuusayay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerradii ay geysteen  kooxda ISIS ahi oo ay ku dhinteen 130 qof.

13-kii bishii Novembar ee sanadii 2015-kii ayey  ahayd  markii kooxda ISIS ay  weeraro qorsheysan ku qadeen  garoonka qaran ee Faransiiska iyo maqaxiyo ay dad  ka buuxen .

Amarkan xaaladda degdegga ah ee dalka lagu soo rogay  iyo mudada uu soconayo  ee la sii kordinayo aya   booliska siinayaa awoodo dheeraad ah oo ay ku baadhi karaan guryaha isla markaana dadka ku soo rogi karaan xabsi guri.

Xaalada degdega ah oo uu wadanka ku jiro ayaa bishi July  6 bilood oo kale lgu daray  kadib markii  mid ka mid ah darwaliinta babuurta xamuulka ee loo yaqaano loorida uu dad jiirsiiyay  halkaas oo ay ku dhinteen 84  qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *