Hogaamiyeyaasha Jubilee oo gaashaanka ku dhuftay eedeymaha Musuqmaasuqa

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeymihii dhinaca musuqmaasuqa ee ugu dambeeyay ee ay madaxda mucaaradka u jeediyeen dowladda.

Xildhibaanka degmada Ainabkoni ee maamul goboleedka Uasin Gishu Samuel Chepkong’a iyo Seneterka is maamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaa beeniyay dhammaan eedeymahaasi.

Hogaamiyeyaashaan ayaa garabka mucaaradka ku dhaliilay in howlohooda oo idil ay kusoo koobeen cambaareyn aan micno ku dhisneyn oo ka dhan ah dowladda.

Siyaasiyiintaan ayaa ka hadlayay munaasabad uu shalay goob jog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka dlaka William Ruto.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *