Mudaharaadyada looga soo hor jeedo Donald Trump oo galay maalintii 5-aad

Waxaa maalintii 5-aad galay mudaharaadyo looga soo hor jeedo guushii madaxweynaha la doortay ee dlaka Mareykanka Donald Trump.

Dibad baxyadaan oo ay ka qeyb qaadanayaan kumanaan ruux ayaa ka socda magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka, waxaana ay shacabka dhaliilsanyihiin natiijada kasoo baxday doorashada.

Tiro badan oo ka mid ah mudaharaadeyaasha ayaa ku sugan magaalada New York, iyagoo wata boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyo looga soo hor jeedo Mr Trump.

Dhanka kale agaasimaha ololaha siyaasadeed ee Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykank barrack Obama iyo xisbigiisa Dimiuqraadiga ah ay balan qaadeen in ay dhici doonto xil wareejin nabad ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *