Raysul wasaarihii Bulgaria oo xilka iska casilay

Raysul wasaarihii waddanka Bulgaria Boyko Borisov ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu xilka iska casilay, kadib markii uu xisbigiisa talada haya guul darro kala kulmay doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday dalkaasi.

Wareegii 2-aad ee doorashada oo ay dadka u dareereen shalay Axadii ayuu ku guuleystay musharaxa ka socday xisbiga Mucaaradka Rumen Radev.

Wareegii hore ee doorashada madaxtinimada Bulgaria ayaa la qabtay 6-dii bishaan November, waxaana markaasi ku guuleystay isla musharaxa xisbiga mucaaradka oo taageero ka hela dowladda Ruushka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *