Shir ku saabsan arrimaha dhulka oo maanta ka dhacaya madaxtooyada

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in uu maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada tan Nairobi ku marti galiyo shir looga hadlayo arrimaha dhulka, kaasoo ay ka qeyb gali doonaan dhinacyo fara badan.

Kulankaan oo lagu dhawaaqay Axadii ayaa lagu wadaa in looga jawaabo su’aalo badan oo la xiriira eedeuymaha dowladda loogu jeediyay hannaanka ay ku bixiso dhulka iyo caddaalad darro la sheegay in lagu dheehay.

Wasiirka wasaaradda dhulka Jacob Kaimenyi iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda iyo hay’ado kala duwan ayaa ka mid ah dadka maanta ka qeyb galaya kulankaasi.

Shirkaan ayaa noqon doona kii 7-aad oo ka mid ah kulamo xiriir ah oo ay dowladda uu hogaamiyo xisbiga Jubilee ku tilmaantay in ay ku sharaxeyso wax qabadka ay u sameysay dalka.

Af hayeenka aqalka madaxtooyada Manoah Esipisu oo ka dhawaajiyay qabashada shirkaan ayaan cadeynin in looga hadli doono war bixintii ay soo saareen gudiga Runta, Caddaaladda iyo dib u heshiisiinta.

Dhawaanahaanba waxaa soo badanayay dhaleeceynta ku saabsan qaabka ay dowladda u bixiso warqadaha aqoonsiga ee dhulalka, iyadoo ay shacabka deegaannada qaar saluugsanaayeen hannaankaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *