Diyaaradaha Turkey-ga oo duqeymo ka geystay Syria

Milatriga waddanka Turkeyga ayaa xaqiijiyay in diyaaradohooda dagaalka ay duqeymo ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Syria.

Duqeymahaasi oo lagu caawinayay xoogaga mucaaradka Syria ayaa lagu beegsaday ilaa 15 bartilmaameed oo ay magaalada al-Bab kaga suganyihiin dagaalyahannada kooxda ISIL.

Bayaan kasoo baxay Milatariga xukuumadda Ankara ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu bur buriyay 10 saldhig oo ay leedahay kooxda daacish iyo dhow xarumood oo uu u yaallay hub fara badan.

Dhanka kalena, 9 xubnood oo ka tirsan dagaalyahannada mucaaradka Syria ee taageerada ka heysta Turkeyga ayaa lagu dilay isku dhacyadii ugu dmabeeyay ee dhex maray iyaga iyo xoogaga kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *