Naceybka ka dhanka ah Muslimiinta oo ku batay Mareykanka

Daraasad cusub oo ay soo saartay hay’adda dambi baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa lagu sheegay in uu mudooyinkaan aad u kordhay xadiga dambiyada la xiriira naceybka Muslimiinta.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2015-ki ayey xad gudubyada loo geysto Muslimiinta ee ka dhaca dalkA Mareykanka gaareen 67%, waxaana uu sanadkaas noqday kii ugu heer sareeya dhanka fal dambiyeeda ka dhanka Muslimiinta wixii ka dmabeeyay weerarradii Mareykanka ka dhacay 11-ki bishii September ee sanadkii 2001-di.

War bixinta ay soo saartay FBI-da ayaa kusoo aaday xili isbuucii lasoo dhaafay doorashada madaxtinimada ee dalka Mareykanka uu ku guuleystay Donald Trump oo horay wacad ugu maray in uu is hor taagi doono soo galootiga Muslimiinta ah ee gaara Mareykanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *