Taliska Booliska oo digniin u jeediyay dadka jeediya hadallada naceybka abuura

Saraakiisha taliska ciidamada booliska dalka ayaa soo saaray digniin hor leh oo ku wajahan siyaasiyiinta sameysa kicinta shacabka qalalaasaha siyaasadeed.

Abaan duulaha guud ee booliska Joseph Boinnet ayaa maanta oo talaado ah sheegay in qof walba oo jeediya khudbad naceyb abuureysa uu la kulmi doono cawaaqib adag.

Boinnet oo u hadlayay si kulul ayaa sheegay in booliska ay xoojiyeen la socodka ay ku hayaan dhaqdhaqaaqyada iyo hadallada dadka siyaasiyiinta, xili uu dalka kusii siqayo waqtiga doorashada guud ee sanadka 2017-ka.

Taliyaha ayaa sheegay in aan loo turi doonin cid kasta oo isku dayda kicinta shacabka, qof walba oo arrimahaas lagu helona uu wajihi doona awooda buuxda ee sharciga.

Hadalka kasoo baxay sarkaalka ugu sareeya laamaha amaanka ee dalka ayaa kusoo aaday xili dhawaan ay booliska xabsiga u taxaabeen siyaasi lagu magacaabo Jim Ayungo oo u hanqal taagaya kursi baarlamaani ah, kadib markii uu ku goodiyay in uu hogaamin doono mudaharaadyo rabshado wata hadii uu Raila Odinga ku guul dareyso xilka madaxweynaha ee doorashada xigta.

Xili kasta oo ay Kenya kusoo dhawaaqto waqtiga doorashada guud waxaa dadka xasuustooda kusoo dhaca qalalaasihii dalka hareeyay xiligii doorashadi 2007-di, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 1000 qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *