Booliska oo xiray murashaxa u taagan kursiga Xildhibaanimo ee deeganka Ruaraka

Booliska ayaa xiray murashaxa u hanqal taagayo in u qabto kursi barlamaneedka deeganka Ruaraka marka la gaaro doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dalka sanada inagu soo aadan ee 2017-ka.

Ninkan ayaa la xiray kadib marki la arkay vidiow u ka soo muqday isago wacad ku maray in u qalalaase ka dhigi dalka haddi u raisul wasaarihi hore ee dalka loo dooran waayo in u qabto xilka Madaxweynenimo.

Jim Ayungo oo horay u ahaan jiray agaasime ka hawlgala hay’ada dhalinta ugu deeqda lacagaha ay isku hormarin karaan ee Youth Enterprise Fund ayaa la xiray galinkii dambe ee shalay waxana la geeyay xaruunta dhexe ciidamadda dambi barista si wax looga weydiiyo eedeymaha loo jeediyay ee ahaa in u hadalada kicin shacab abuuraya u jeediyay.

Taliyaha guud ee ciidamadda booliska Joseph Boinnet ayaa ku amray Jim in u iska xaadiriyo saldhiga walibo oo booliska ay leeyihiin kaas oo u  dhow waxana ay taas ka dambeysay hadalo u jeediyay dabayaaqada isbuucan soo dhaafnay oo la sheegay in ay yihiin hadalo ku saleeysan nacayb.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan u dulqaadani doonin hogaamiye walibo oo jeediyo hadala kala qeybin kara dadka Kenyanka ah waxana u sheegay in ay sharciga la tiigsan doonan,haddi lagu helana wax dambi in aysan caafin doonin.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Joseph Nkaisserry ayaa isna sheegay in aysan ka gabani doonin hogaamiyaasha jeediyada hadalada abuuri karaa kicin dadweyne iyadoo oo u waqtigana dalka ku sii siqaayo doorashada la filayo in ay ka dhacdo sanada 2017-ka

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *