Kenya oo balan qaaday in ay kaalin ka qaadaneyso ka hor tagidda diirrimaadka cimilada

Dowladda Kenya ayaa beesha caalanka u xaqiijisay in ay mudnaan siineyso hir galinta heshiiska ku aadan hoos u dhigidda xadiga diirrimaadka cimilada adduunka ee sii kululaaneysa marba marka ka dambeysa.

Wasiiradda arrimaha deegaabka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Marwo Judi Wakhungu ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ka go’antahay qaadista tallaabooyin dhowr ah oo ay wax uga qabaneyso mushkiladdaasi saameynta ku yeelaneysa caalamka oo idil.

Mrs Wakhungu ayaa intaas ku dartay in maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta uu diyaariyay ajendayaal la xiriira arrintaas isla markaana uu kaashanayo dhinacyo kale oo ay bah wadaag yihiin.

Hadalkaab ayey wasiiraddu ka sheegtay shirka 22-aad ee looga hadlayo is baddalka Cimilada aduuka, kaasoo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ah in ka badan 40 hogaaniye oo ka qey qaadaneysa Shirkaas oo shalay ka furmay magaalada Marrakech ee waddanka Morocco.

Kenyatta ayaa la filayaa in uu isagana halkaas ka jeediyo khudbad uu kusii ayidayo hadalka Judhi Wakhungu ee ku aadan doorka ay Kenya ka qaasaneyso ka jor tagidda diirrimaad cimilada aduunka

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *