Madaxa caddaaladda oo la filayo in uu xoojiyo wax qabadka waaxda garsoorka

Garsoore David Maraga oo ah madaxa caddaaladda dalka ee dhawaan xilka la wareegay ayaa talaadadii shalay sheegay in uu tallaabo u qaadi doono sidii loo sameyn lahaa laamo cusub oo sare loogu qaadayo howlaha ay qabato waaxda garsoorka.

Mr Maraga ayaa ka dhawaajiyay in dhawaan la abuurayo xafiiska kala hagidda shaqada garsoorka iyo xafiiska agaasinka khataraha gudaha iyo baaritaannada ee laanta caddaaladda dalka.

Waxa uu intaas ku daray in si buuxda loola xisaabtami doono laamaha kala duwan ee dowladda iyo saraakiisha ka shaqeysa dhammaan hay’adaha xukuumadda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Goor sii horeysay ayuu xaakinkaan wacad ku maray in uu mudnaanta 1-aad siin doono sidii loola dagaalani lahaa musuqmaasuqa la sheegay in uu ka dhex jiro waaxda garsoorka dalka.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in uu xaqiijin doono in dhammaan dadka Kenyanka ah ay helaan caddaalad deg deg ah oo aan kala eexasho lahayn.

Mr Maraga ayaa xilkaan la wareegay dhawaan kadib markii uu howlgab noqday madixii hore ee caddaaladda dalka Willu Mutunga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *