Maraykanka oo sheegay in ay cunaqabateyn cusub saarayan dawladda Bashar Al-Assad

Sharci dajiyaasha waddanka maraykanka ayaa waxa ay baas mariyeen hindise sharciyeed kaas oo ay uga gool leeyihiin in ay cuna qabateyn ku saran dawladda madaxweyne Bashar Al Assad iyo waddamada ay xulafada yihiin sida Ruushka iyo Iran.

Sharcidajiyaashan ayaa sheegay in ay talabadaas u qaadan si ay uga hortagaan falalka dambiyeed ee ka dhanka ah baniaadanka ee ay ku eedeynaayan xukumadda Dimishiq iyo dawladdaha ay xulafada yihiin.

Hindise sharciyeedkan ayaa la baasmariyay maalinta shalay oo talaado ahayd waxana sidoo kale ay mudanayaasha baas mariyay sharcigaas ay sheegen in maraykanka uu door ku lahaado waxyaabaha ka socda bariga dhexe iyadoo aan la eegeynin cidda aqalka cad ka arrimisa.

Basher al Assad ayay ku eedeeyen in u dambiyo xadgudub ah ee ka dhan ah baniaadanka u geeystay shanta sano ee waddankaasi ay ka socdaan colaadaha sokeeye oo galaaftay noolasha ilaa iyo 500,000 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *