Booliska Tunisia oo qabtay dad lagu tuhmay argagixisanimo

Booliska waddanka Tunisia ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 4 qof oo lagu tuhunsanyahay in ay dalkaas ka abaabulayeen weeraro argagixiso oo laga fuliyo magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Af hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Tunisia oo lagu magacaabo Yasser Mesbah ayaa shalay oo arbaca ahayd warbaahinta u sheegay in 4-ta qof ee la xiray ay isugu jiraan 3 nin iyo haweeney.

Mr Mesbah in weerarada la maleegayay ay ku wajahnaayeen xarumo gacansi iyo saldhig ay booliska leeyihiin oo ku yaalla magaalada Tunis, sida ay muujiyeen baaritaanno hor dhac ah oo la sameeyay.

4-ta ruux oo ku wada xiriiri jiray barta Facebook-ga ayaa la xiray xili ay ku sugnaayeen xaafad lagu magacaabo Ben Arous oo ku taalla dhinaca koonfureed ee magaalo madaxda dalka Tunisia.

Laamaha amaanka ee waddankaasi ayaa heegan ku jiray tan iyo bishii November ee sanadkii 2015-ki, xiligaasoo xaalad deg deg ah lagu soo rogay Tunisia, wixii ka dmabeeyay weeraro qasaare badan sababay oo laga geystay dalkaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *