Dad ku dhow 100 qof oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen xeebaha Libya

Dad kor u dhaafay 100 qof oo muhaajirin ah ayaa la cabsi qabaa in ay ku geeriyooden badda Mediterranean-ka kadib markii dooni ay sarnaayen ay ku qalibmatay badaasi.

Hay’ada dhaqaatirta aan xuduuda laheyn ee magacooda loo soo gaabiyo MSF oo xaqiijisay arintan ayaa shaaca ka qaaday in markabka ay leeyihiin uu soo badbaadiyay ku dhawaad 35 qof.

Tan iyo maalintii Sabtida waxaa la soo badbaadiyay in ka badan 3 kun oo qof oo doonayay in ay ka tallaabaan badda u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga, balse ugu yaraan 3 boqol ayaa ku dhimatay badda todobaadkan.

Dad ay tiradooda kor u dhaafeyso 240 ruux oo qaxooti ah ayaa isbuucaan gudihiisa oo kaliya ku geeriyooday badda Mediterranean-ka ee isku xirta Libya iyo Talyaaniga.

Dhammaan dadkaasi ayaa dhintay kadib markii ay badda ku qalibmeen doomo ay saarnaayeen, sida laga soo xigtay saraakiil iyo kooxaha gurmadka deg dega ah.

Waxaa wali sii socda dhaqdhaqaaqyada ay dadka tahriibeyaasha ah uga baxayaan xeebaha dalka Libya, iyagoo u bareeraya khatarta aysan hubin in ay ka badbaadi karaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *