Dowladda Philibine oo shaacisay suurtagalnimada ah in ay ka baxeyso maxkamadda ICC

Madaxweynaha dlaka Philibine Rodrigo Duterte ayaa maanta sheegay in ay macquul tahay in waddankiisa uu maro waddadii uu qaaday dalka Ruushka oo ku dhawaaqay in uu xiriirka u jaray maxkamadda dambiyada dagaalka duunka ee ICC.

Duterte ayaa sheegay in uu tallaabadaas u qaadayo si uu u muujiyo carada uu ka qabo jawaabta ay wadamada reer galbeedka ka bixiyeen ololahiisa ka dhanka ah dadka ka ganacsada muqaadaraadka.

Amarka uu madaxweynaha Philibine ku bixiyay in lagu ugaarsado dadka daroogada iibiya ayaa tan iyo bishii May ee sanadkaan lagu dilay in ka badan 3,000 oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *